Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Badbaadada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay qorshe ay ku qabanayaan shir heer sare ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-habaynta dastuurka.
War-saxaafadeedka kasoo baxay golaha Arbacadii ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii ay xubnaha goluhu soo gabagabeeyeen saddex maalmood oo wadatashi farsamo ah oo ka dhacay magaalada Nairobi, caasimadda Kenya, intii u dhaxaysay 5–8 Noofambar 2025.
Inkasta oo bayaanku uusan caddeyn taariikhda iyo goobta rasmiga ah ee shirka, haddana warar hordhac ah ayaa muujinaya in kulanka la filayo in lagu qabto magaalada xeebta ah ee Kismaayo dabayaaqada bishan.
Masuuliyiinta Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid fure u ah wadatashiyo qaran oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayaa doorashooyinka soo socda.











