Madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

5

Madaxweynihii hore ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib mudo sanado ah oo uu dalka ka maqna.

Farmaajo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee taageersan.

Dib u soo laabashada madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay loo sii oogaa, waxaana masuulkan uu dalka ka maqnaa mudo ka badan 2 sano oo uu dibad joog ahaa.

Imaashaha Farmaajo ee Muqdisho ayaa ah mid la xiriirta arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, maadaama dalka uu dhawaan galayo doorashooyin aad u adag oo loogu tartami doono xilka madaxweynanimada Soomaaliya.

Madaxweyne hore ee dalka Farmaajo ayaa sidoo kale qorsheynaayo inuu magaalada Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo diiradda uu ku saari doono xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan iyo arrimaha Dastuurka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalmaha soo socda waxaa si rasmi ah uga bilaabanaya loolanka siyaasadeed ee siyaasi walba uu ku doonayo inuu ku noqdo madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan la dhisay ururradii ugu badnaa iyo isbahaysiyo cusub oo u diyaarsan in si adag ula loolamaan madaxda haatan haysa talada dalka.