Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in seddex nin loo soo xiray dhacdadii argagaxa lahayd ee dhawaan ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo nin dhimirka ka xanuusanaya inta la dilay, meydkiisa la gubay.
Marxuum Isxaaq Daa’uud allaah u naxriistee dilkiisa kadib ayaa waxaa deegaanka Dudumaaye ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Maleeshiyaad ka careysan dhacdaadaasi iyo kuwa kale.
Taliska Milateri Soomaali ayaa sheegay in ay socdaan in howlgalo kale oo lagu soo qabanayo maleeshiyaadka dhibaatada ka geysanaysa duleedka degmada Wanla-weyn, Waxaana Taliyaha ciidamada Lugta uu digniin adag uu u diray maleeshiyaadka falalkaasi noocaasi geysanaya.
Isla gobolka Shabeellaha Hoose deegaanka Yaaq Bari Weyne waxaa shalay lagu dilay 5 qof, kadib markii miliishiyo hubeysan ay weerareen ceel biyood ku yaalla halkaasi.











