UK oo digniin u dirtay maraakiibta ganacsi ee adeegsata biyaha u dhow Xeebaha Soomaaliya

3

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka dhacay badda u dhow magaalada Garaacad, oo qiyaastii 106 mayl badeed u jirta magaalada Eyl.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada deegaanka ay qabteen mid ka mid ah labada doon ee la tuhunsanaa, halka tan kale ay baxsatay.

UKMTO waxay sheegtay in baaritaannada socda ay ku saabsan yihiin arrintaas, iyadoo ku boorrisay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh xafiisyada UKMTO ama xafiiska howlaha badda ee Soomaaliya.

Warbixino amni oo dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in doonyahan lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin shabakad tahriibin ah oo hub iyo daroogo u gudbisa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo xiriir dhow la leh Iiraan.

Sidoo kale, xogahaasi waxay muujinayaan in ay sii xoogeysaneyso iskaashiga u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, oo ah laanta Al-Qaacidda ee Soomaaliya.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in maadaama la adkeeyay kormeerka iyo la-dagaallanka tahriibka tooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Yemen, shabakadaha ay maamulaan Iiraan, Xuutiyiinta, iyo Al-Qaacidda ay u wareegeen isticmaalka xeebaha Soomaaliya iyo Suudaan, si ay uga dhigtan meel dhexe oo loogu sii gudbiyo hubka iyo daroogada taasoo muujinaysa halis cusub oo ku soo korortay amniga badda gobolka.