Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo Ubax Dhigay Halkii Lagu Aas-aasay Dowladnimada Soomaaliya

4

Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 25 guuradii Shirkii Nabadda ee Carta, shir taariikhi ah oo sanadkii 2000 lagu dhisay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya (TNG), taasoo astaan u ahayd dib u soo nooleynta dowladnimo Soomaaliyeed kaddib ku dhowaad toban sano oo dagaal sokeeye ah.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Carta ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qaybgalay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madax hore, musharrixiin madaxweyne, iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka gobolka.

Intii lagu jiray xuska, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa ubax dhigay halkii lagu aas-aasay dowladnimada Soomaaliya kaddib burburkii 1991.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in markan Soomaalidu iyagoo is wata oo heshiis ah ay tageen Jabuuti, isagoo muujiyay rajo ah in dib-u-heshiisiinta Soomaaliya maanta ay tahay mid hoggaan iyo damiir Soomaali ah wadata.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo khudbad qiimo leh jeediyay, ayaa xusay in Shirkii Carta uu ahaa “meel taariikhi ah oo muujisay sida Jabuuti uga go’aneyd nabadda, midnimada, iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.” Wuxuu intaas ku daray in ruuxda iyo himiladii Carta ay weli astaan u tahay rajo iyo wada-shaqeyn ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay siiyeen Soomaaliya mudadii 25-ka sano ee la soo dhaafay, Wuxuu ku booriyay waddamada gobolka in ay sii xoojiyaan midnimada iyo iskaashiga si loo sugo nabadda iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkii Nabadda ee Carta oo la qabtay sannadkii 2000, ayaa markii ugu horreysay mideeyay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed, wuxuuna horseeday dhismaha Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdi qaasim Salaad Xasan.

Xuska maanta ee Carta ayaa markale xasuusin u noqday kaalinta diblomaasiyadeed ee Jabuuti ku leedahay nabadaynta Geeska Afrika iyo sida ay weli uga go’an tahay in Soomaaliya ay ku gaarto dib-u-heshiisiin iyo dowladnimo buuxda.