Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jabuuti, si uu uga qeyb galo munaasabadda lagu xusayo 25 sano guuradii kasoo wareegtay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Carta, heshiis kaas oo ahaa aas-aaskii dowladdii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya sanadkii 2000, laguna doortay madaxweynihii hore ee dalka, Marxuum Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Wufuud horudhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa horey u tegay magaalada Jabuuti, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana qaabilay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Wafdigaasi hordhaca ah ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Jabuuti, iyagoo ka shaqeynaya diyaarinta soo dhoweynta Madaxweynaha iyo qorshaha munaasabadda rasmiga ah ee la filayo inay dhacdo maalinta berri ah.
Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed, xuska sanadguurada 25-aad ee heshiiskii Carta ayaa noqon doona mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madaxda ugu sarreysa labada dal, wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah, iyo wufuud kale oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo meelo kale oo caalamka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda, taas oo diiradda lagu saari doono muhiimadda midnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulamo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo madax kale oo goobtaasi ku sugan.
Heshiiskii Carta oo lagu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 ayaa ahaa mid taariikhi ah, maadaama uu dib u soo celiyay rajadii dowladnimo ee Soomaaliya kaddib sagaal sano oo burbur iyo kala daadsanaan ah. Shirkii Carta ayaa horseeday dhismaha dowladdii ku-meelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xasan, taas oo saldhig u noqotay nidaamka dowladeed ee maanta ka hana qaaday Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa lagu tilmaamay mid xusuus gaar ah u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo Jabuuti lagu ammaanay kaalintii muuqata ee ay ka qaadatay dadaalladii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed iyo martigelinta shirarkii siyaasadeed ee muhiimka ahaa ee lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.











