Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay lagu dilay dagaalameyaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Goobo ee Hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan DF iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaasi oo la sheegay in ay tageen deegaanka Goobo, islamarkaana ay weerareen goob ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Inta la ogyahay 3 xubnood ayaa la xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay, halka seddex qori laga soo qaateen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa ka soo baxay deegaanka, iyagoona ku laabtay deegaanada ay horey igu imaadeen.
Gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar waxaa ka dhacay howlgalo qorsheysan oo ay fuliyaan ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaasi oo beegsada xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab.











