Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan

6
 Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay  Maxamed Carab Xuseen Maxamed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda Hirshabeelle Maxamed Shuuriye Nuur oo warbaahinta u faahfaahiyay wareegtada ayaa sheegay in magacaabista guddoomiyaha cusub ay ku timid soo jeedin ka timid Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa horay u soo noqday guddoomiyahii Guddigii soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu aheyd Hirshabeelle sanadkii 2021-kii.

Magacaabista guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay uu khilaaf culus u dhaxeeyay guddoomiyaha xilka laga qaaday Muuse Salaad iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Khilaafka sababay in xilka qaadis lagu sameeyo Muuse Salaad ayaa ka dhashay is qabqabsiga dhanka canshuurta laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo u dhaxeysay isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Lama oga go’aanka rasmiga ah uu qaadan doono guddoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay, maadama sida horay marar badan u dhacday guddoomiyaal xilka qaadis lagu sameeyay ay kasoo horjeesteen in xilka laga qaado, waxaana xusid mudan in Hirshabeelle aysan awood badan ku laheyn deegaanada gobolka Hiiraan.