Guddiga doorashada oo soo saaraya jadwalka doorashada xildhibaannada aqalka sare

5

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal oo muran badan uu hareeyey ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan jadwalka doorashada senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa KNN u sheegay in doorashadaas ay ka dhici doonto magaalooyinka Baydhaba, Jowhar iyo Dhuusamareeb, iyagoo dib u dhigaya doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Puntland iyo Jubbaland oo guddigan aan metelaad ku laheyn.

Xubnaha guddiga ayaa shalay Muqdisho ku doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, waxaana jira dib u dhac ku jimid jadwalkii hore oo dhigayey in 1-da illaa 10-ka bishan lasoo doorto golaha Aqalka Sare.

Waxaa jira muran adag oo hareeyey guddiyada doorashada ee xukuumaddu magacawday iyo hannaanka dowladda federaalka ay u wado doorashada, waxaana muuqata in dowladdu aysan dheg jalaq u siineyn baaqyada uga imaanaya dhinacyo ay ugu tunweynyihiin musharaxiinta mucaaradka ah.