Jubbaland oo markale digniin ka soo saartay arrimaha doorashooyinka

6

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa looga hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo caqabaha xiligan hortaagan dastuurka dalka.

Jubbaland ayaa ka digtay in dowladda ay abuurto khal khal amni, mid siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.

Sidoo kale ayaa beesha caalamka ugu baaqay in arrintan ay wax ka qabto, maadaama dowladda federaaalka ay iska indho tireyso cabashooyinka ka imaanaya saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Ugu dambeyn dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay inaan doorasho lagu qaban karin qeybo ka mid ah deegaanada Jubbaland