Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in khilaafka Pakistan iyo Afgaanistaan ee imika taagan yhay, balse “haddii aan ay noqoto inaan xalliyo dhibaatadan, si fudud ayaan u xallin lahaa.”
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Jimcihii, wuxuu sheegay in sidoo kale ay tahay in ay isaga u taallo maamulka Mareykanka, laakiin “runtii waxaan jeclahay joojinta dagaallada.”
Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan jeclahay inaan joojiyo inay dadka dhintaan, waxaana badbaadiyay malaayiin qof.”
Waxaa xusid mudan in 15-kii iyo 16-kii Oktoobar ay dagaallo ka dhaceen Pakistan iyo Afgaanistaan, xilligaasoo labada dal ay sheegeen in uu midba midka kale u geystay khasaare naf iyo maalba leh.