Magaalada Laascaanood ayaa maanta isu bedeshay xarun si weyn looga dareemayo diyaargarow siyaasadeed, amni iyo mid bulsho, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre.
Labada masuul ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Firdhiye, taas oo la qorsheeyay inay noqoto mid si heer qaran ah loo agaasimay.
Wararka laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in dadka deegaanka iyo ganacsatada magaalada ay si iskood ah ugu biireen diyaarinta soo dhoweynta wafdiga Dowladda Federaalka, taas oo loo arko booqasho siyaasadeed oo calaamad u ah midnimada iyo wadajirka dalka.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ay jiraan qorshe isku dhafan oo ay wadaan ciidamada Qaranka, kuwa Booliska iyo maamulka deegaanka, si loo hubiyo in booqashadu ku dhacdo si nabad ah.
Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, C/qaadir Firdhiye, ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si rasmi ah uga qeyb-galaan munaasabad ka dhaceysa gobolka Sool, tan oo muujineysa xiriir cusub oo ka dhex abuurmaya Dowladda Dhexe iyo maamulka cusub ee waqooyi-bari.
Booqashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid xeel dheer oo siyaasad ah, taas oo ujeedkeedu yahay in la xoojiyo xiriirka shacabka gobolka Sool iyo Dowladda Dhexe, xilli ay dalka ka jiraan loollano siyaasadeed oo ku saabsan maamulka iyo awood qaybsiga.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu taariikhda weyn ee gobolka Sool sanadihii ugu dambeeyay.