Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland iyo fursadaha iskaashi ee cusub.
Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dib u xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.