Iyadoo ay jiraan heshiisyo dib u celin ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) la gashay qaar ka mid ah dalalka Yurub si dib loogu celiyo muwaadiniinta Soomaalida ee waayey sharciyadooda, ayaa hadda waxaa soo baxaya eedeymo culus oo loo jeedinayo DFS, kuwaas oo lagu tilmaamay in aan la marin habraacyadii saxda ahaa ee dib u celinta.
Eedeymahan ayaa ku saabsan in dad Soomaali ah loo qaaday si ka baxsan nidaamka sharciyeed ee ay dejisteen dalalka Yurub, taas oo ay qaar ka mid ah Soomaalida dibadda ku tilmaameen “afduub iyo gadasho dad Soomaaliyeed ah.”
Shams Cali, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Denmark, ayaa u sheegtay Idaacadda Shabelle in wiilkeeda 23 jir ah — oo aysan sheegan in uu yahay muwaadin Soomaali ah — ay DFS si qasab ah uga soo qaaday Denmark iyadoo aan raacin nidaamka sharciga ah, isla markaana ay lacag ku qaadatay.
“Wiilkayga muwaadin Soomaali ma ahayn, mana jirin hab sharci ah oo lagu keenay. Dowladda Soomaaliya ayaa si toos ah u ogolaatay in wiilkeyga la qaato iyadoo lacag lagu beddelanayo,” ayay tiri Shams.
Waxay intaas ku dartay in DFS ay dhib iyo cadaadis hor leh ku keentay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, iyadoo qaabka ay u wajahday arrintan dib u celinta lagu tilmaamay mid aan bani’aadanimo ahayn.
Qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan Yurub ayaa bilaabay in ay cabasho u gudbiyaan hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo maxkamadaha si loo baaro dhacdooyinkan, waxayna ku baaqayaan in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka sharci darrada ah ee dib u celinta lagu fulinayo.
DFS weli kama aysan hadlin eedeymahan si rasmi ah.