Ciidamada Badda Shiinaha oo Markabyo Cusub u Diray Badaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed

6

Ciidamada Badda Shiinaha, ayaa Sabtidii ka dareeray deked ciidan oo ku taalla magaalada Qingdao ee gobolka Shandong, iyagoo u baxay howlgal ilaalin maraakiib ah oo ka socda Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku teedsan xeebaha Soomaaliya.

Cutubkan cusub, oo ah tii 48-aad tan iyo markii howlgalka la bilaabay 2008, waxa uu ka kooban yahay markab gantaallo ridaya, markab kale oo ah gantaalaha fog, iyo markab sahayda qaada. Waxaa la socda labo diyaarad helicopter ah iyo tobanaan askari oo ka tirsan cutubyada gaarka ah.

Ciidamada ayaa ka hor inta aysan u bixin hawlgalka sameeyay tababbar diiradda saaraya adeegsiga hubka, hanaanka ilaalinta maraakiibta ganacsiga, iyo farsamooyinka sahayda lagu helo intii uu howlgalka socdo.

Shiinaha ayaa markii ugu horreysay ciidamadiisa badda u diray Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya bishii December 2008, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta la kulma weerarrada burcad-badeedda, xilligaas oo amniga marin-biyoodkani uu aad u xumaa.

Howlgalkan ayaa weli ah mid sii socda, Shiinahana wuxuu marar badan muujiyay in uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto xasilinta amniga marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.