Xisbiyada Puntland oo ku fashilmay qabashada shirarkooda dhexe dhaqaale xumo awgeed

4

Xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa ku fashilmay inay qabtaan shirarkoodii Golaha dhexe, kaddib markii maamulka Puntland uu joojiyay taageeradii dhaqaale ee ay xisbiyada ka heli jireen xukuumadda.

Sanadkii hore, maamulka Puntland ayaa ka jartay xisbiyada lacag gaaraysa $10,000 oo bil walba loo qoondeeyay si ay howlahooda ugu wadaan, iyadoo dowladdu ku ilaalin jirtay jiritaankooda.

Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) ayaa xisbiyada saddex bilood ka hor ku wargaliyay inay qabtaan shirarkooda waaweyn si ay u doortaan hoggaanka sare ee xisbiyada, sida guddoonka iyo guddiyada kale ee xisbiyada.

HOL oo la hadashay xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiyada ayaa sheegtay in xisbiyada ay guddiga doorashooyinka u sheegeen in haddii dhaqaalihii la siin jiray xisbiyada aan dib loogu soo celin, aysan awood u yeelan doonin inay qabtaan shirarkooda dhexe.

Xisbiyada ayaa horey ugu eedeeyay Madaxweyne Deni in uusan daacad ka ahayn dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo sheegay in tan iyo markii dib loo doortay sanadkii 2024 uu bilaabay inuu faraha ka qaado horusocodka dimuqraadiyadda.

Inkastoo dhaqaale la’aanta ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan xisbiyada Puntland, haddana waxaa sidoo kale jira khilaafaadyo ka dhex taagan xisbiyada dhexdeeda, kuwaas oo u kala jabay garabyo kala duwan.

Qaar kamid ah xisbiyada ayaa isku diiwaan geliyey heer qaran si ay uga helaan taageero dhaqaale Dowladda Federaalka.