Dowladda Soomaaliya oo 148 Qof oo Soomaaliyeed Kasoo Celisay Dalka Yemen

5

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka, ayaa dib u soo celisay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka Yemen.

Dadkan oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur ayaa soo gaaray garoonka caalamiga ah ee Aden Adde ee magaalada Muqdisho, iyagoo kusoo duulay diyaarad gaar ah oo si khaas ah loo kiraystay.

Soo celinta muwaadiniintan ayaa lagu sheegay mid guul weyn u ah dadaallada dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah ee dib loogu mideynayo shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan meelo ka baxsan dalka. Howshan waxaa si wadajir ah u fuliyey Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha NCRI, Cabdullaahi Aadan Cabdi, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ku sugnaa garoonka si ay u soo dhaweeyaan muwaadiniinta lasoo celiyay.

“Tani waa tallaabo muhim ah oo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay iney ka jawaabto baahiyaha muwaadiniinteeda meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Dadka Soomaaliyeed ee ku jiray Yemen ayaa la kulmayay xaalado adag oo ka dhashay colaadda daba dheeraatay ee dalkaasi, burburka dhaqaale iyo adeeg la’aanta aasaasiga ah, taasoo keentay in dad badan ay doortaan inay si iskaa ah dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay nolol cusub uga bilaabaan.

Markii ay soo gaareen Muqdisho, waxaa si degdeg ah loogu fidiyay taageero degdeg ah oo ay ka mid yihiin baaritaanno caafimaad, cunno, iyo agab kale oo muhiim u ah dib u la qabsiga nolosha, iyadoo sidoo kale loo fududeeyay inay la midoobaan qoysaskooda.

Yemen ayaa sanadihii u dambeeyay ku jirtay xaalad dagaal ah, taasoo sababtay in kumanaan Soomaali ah ay ku xayirmaan ama xabsiyo la dhigo, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Yemen una sii gudbaan dhanka Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlahaan dib u celinta ah, si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan ku dayicin meelaha khatarta ah ee ay ku sugan yihiin.