Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay warar sheegayay heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Sweden

9
 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu baahiyey warbaahinta, kuwaasoo sheegayey in heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan kaalmada horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta laga gaartay dalka Sweden, waxaana muran siyaasadeed weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta Sweden.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay yihiin “been abuur, marin habaabin iyo kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”

“Dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in aysan jirin wax heshiis qarsoodi ah ama mid shuruudo ku xiran oo lala galay waddan kale, gaar ahaan mid ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniinta ama qeybsiga kaalmada horumarineed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden waa mid soo jireen ah, hufan, kuna dhisan ixtiraam wadaag iyo shuruucda caalamiga ah.

“Dhammaan wadashaqeynta labada dal waxay u martaa kanaallo diblomaasiyadeed rasmi ah iyadoo la marayo habraacyo ay la socdaan kormeerka golaha wasiirrada iyo hay’adaha dowliga ah ee la xisaabtanka leh” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in dhammaan kaalmada horumarineed ee la siiyo dalka ay marto hannaan hufan oo ay maamulaan hey’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladda dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo in la hubiyo in taageerada ay hesho shacabka Soomaaliyeed ay si cadaalad ah u gaarto.

Dhowaan ayay qaar kamid ah Warbaahinta Sweden ay tebiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay heshiis ay kuheleyso Malaayiin lacag ah ay la gashay Dowladda Sweden si Soomaalida dalkaasi dib loogu sooceliyo dalkooda.