Dowladda Fedaraalka oo uga digtay Mucaaradka iney tagaan Saldhigyada ciidanka Booliiska

7

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka ah ugu digay iney markale tagaan Saldhigyada ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macalin ayaa ugu baaqay Mucaaradka ineysan qaadin talaabooyin wax u dhimamaya amniga, islamarkaana naftooda halis galin kara.

“Mucaaradka waxaan leeyahay ha tagina Saldhigyada ciidanka Booliiska ee taga degmooyinka oo u taga shacabka, ma ahan inaad Saldhig lagu haayo maxaabiis aad tagtaan oo aad naftiina qatar galisan iyo nafteenaba goob amni, waxba idinkama jiraan” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Wasiir Xasan Macalin arinta Dastuurka, wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka dalka ee mudada dheer qabyada ah.

“Waad aragteen khudbadii madaxweynaha ee furitaanka Baarlamaanka in waxyaabaha uu ka hadlay ay ka mid aheyd sida dadaalka ugu jirto dowladda Soomaaliya sidii ay u dhameystiri laheyd Dastuurka oo wada tashiyo badan la galiyay sidii loogu heshiin lahaa Dastuur dhameystiran, hadana dadaaladaas meel wanaagsam ayay marayaan waana la dhameystiraya” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ayaa kusoo aadaya, iyadoo xaalada siyaasadeed ee dalka ay tahay bilahii lasoo dhaafay mid aad u jahwareersan, kadib khilaafaadyo ka dhashay arrimaha Dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo codka ah.