Mareykanka oo hakiyay qeyb ka mid ah adeegyada shaqo ee ka socotay Safaaradeeda Muqdisho

3

afaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay hakisay qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Washington.

Bayaanka safaaradda oo lagu daabacay barta X (Twitter hore) ayaa lagu sheegay: “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”

Arrintani waxay la micno tahay in safaaradda aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay caadiyan siiso muwaadiniinta Mareykanka iyo Soomaalida la macaamisha safaaradda, marka laga reebo adeegyada muhiimka ah sida ilaalinta amniga muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Xaaladda xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo gobolka ku yaalla, sida Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii caadiga ahaa.

 

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo horumarinta. Hakadka dowladdu wuxuu sababi karaa dib u dhac ku yimaada maalgelinta iyo mashaariicda socda.

Inkastoo howlaha muhiimka ah ee amniga iyo wada shaqeynta dowladda Soomaaliya la sii wadi doono, haddana xiriirka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ayaa la filayaa inuu noqdo mid gaabis ku yimaado inta arrintan ka socoto.

Sidoo kale Itoobiya iyo Jabuuti maadaama  ay saameeyeen, waxaa suuragal ah in howlaha Mareykanka ee gobolka oo dhan uu hoos u dhaco, taas oo saameyn ku yeelan karta qorshayaasha gobolka ee amniga iyo siyaasadda.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, tababarka ciidamada, iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan, waxaana suurtagal ah in hakadkan uu abuuro jahwareer ku meel gaar ah haddii uu sii dheeraado