Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

4

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheree) ayaa loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xilkaasi laga qaaday C/raxmaan Maxamed Anas oo ka mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo xilkan qabtay bishii April 2023.

Maxamed Dheere ayey magacaabistiisa ku timid cadaadis Madaxweynaha ka heystay Beesha uu kasoo jeedo, kadib markii xilka laga qaaday Agaasimihii NISA C/llaahi Sanbaloolshe.