Puntland oo wada qorshe cusub oo ay ku xoojineyso amniga magaalada Garoowe

5

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu adkeynayo ammaanka magaalada Garoowe, kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay falal amni darro ay kusoo badanayeen caasimadda maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa sheegay in magaalada la geyn doono ciidan cusub oo gaar ah, kuwaas oo si toos ah u bilaabi doona howlgal lagu hub ka dhiginayo dhammaan dadka hubka ku dhex wata magaalada.

Ciidanka ayaa sidoo kale xooga saari doona la dagaallanka kooxaha ku lugta leh khamriga iyo xashiishka, kuwaas oo waayadii dambe si cad ugu muuqday magaalada, taas oo keentay walaac weyn oo bulshada dhexdeeda ah.

Sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka, ciidankan cusub waxaa loogu talagalay in ay wax ka qabtaan falalka amni darrada ee kusoo batay Garoowe, isla markaana ay xaqiijiyaan in caasimadda Puntland noqoto meel amni ah oo ka madax bannaan hubka sharci darrada ah.