Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 82,000 oo Soomaali ah, ayaa noqday bartamaha howlgal ballaaran oo socdaalka lagu baarayay, kaas oo lagu ogaaday in ku dhowaad kala bar muhaajiriinta la kormeeray ay galeen khiyaano socdaal.
Edlow ayaa sheegay in la helay guurar badan oo khiyaali ah, fiisooyin ka dhacay, dukumeenti been abuur ah, iyo ku takri-fal nidaamka fiisooyinka H1B iyo F1, isagoo ku daray in arrintan ay ka dhigtay magaalooyinka mataanaha goob lagu xadgudbo nidaamka socdaalka.
Saraakiishu ma sheegin qoomiyad gaar ah, balse Minnesota waxaa si weyn loogu yaqaan inay hoy u tahay bulshada Soomaalida ugu badan Mareykanka, taas oo muddada dheer ku jirtay muran siyaasadeed iyo dood ku saabsan amniga.
Waxaa la sheegay in muhaajiriin kala duwan oo lagu qabtay howlgalka ay ku lug lahaayeen khiyaano guur iyo kiisaska kale ee khatarta amniga, oo ay ku jiraan nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay xiriir argagixiso.
“Howlgalkaani wuxuu caddeyn u yahay in Mareykanku dagaal ku yahay khiyaanooyinka socdaalka,” ayuu yiri Edlow. “Waxaan masuuliyad naga saaran tahay inaan nidaamka ka ilaalino in lagu takri-falo.”