Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in La Dardar-Geliyo Maqaamka Muqdisho iyo Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka

6

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa jeediyay baaq culus oo ku saabsan dardargelinta dhismaha hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, si loo xaqiijiyo cadaalad iyo kala dambeyn sharciyeed oo sal adag leh.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ku celiyay baaq muddo dheer la sugayay ee ku saabsan hirgalinta maqaamka rasmiga ah ee Caasimadda Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay arrin u baahan in si degdeg ah loo meel mariyo.

Wuxuu ku booriyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) in ay sida ugu dhakhsaha badan uga doodaan oo meel mariyaan sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ku baaqeynaa in la dhiso Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuurka, waana in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyeynta Maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Qodobkan ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo loo qabo in la helo hay’ado garsoor oo madax bannaan iyo in si rasmi ah loo caddeeyo awoodaha iyo xuduudaha maamulka caasimadda.