Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah ee danaha labada dhinac.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri ee labada dal, isagoo sidoo kale xusay in ciidanka Masar ee qeybta ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.