Dowladda Soomaaliya oo Dalka ku Soo Celisay 173 Muwaadiniin Laga Soo Daayay Xabsiyo ku Yaalla Libya

5

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 173 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Libya, halkaas oo ay ku la daalaa-dhacayeen duruufo adag oo nololeed iyo tacaddiyo bini’aadantinimo.

Diyaarad sidday muwaadiniintaas ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo siday 151 qof, inta kalena 22 qof lagu dejiyay magaalada Hargeysa, Dadka la soo celiyay ayaa u badnaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo xabsiyada Libya ugu jiray xaalado aad u liita.

Waxaa garoonka si diirran ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta, Sidoo kale waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed (NCRI), Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Soo celinta muwaadiniintan ayaa timid kadib dadaal wadajir ah oo ay fuliyeen Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan IOM, oo gacan ka geysatay qorsheynta iyo fulinta safarkan bini’aadantinimo.

Maryan Yaasiin, oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Soo-celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta, ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay waqti iyo dadaal ku bixiso sidii loo soo celin lahaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xabsiyada iyo meelaha kale ee caalamka.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay waqti geliso sidii dalkooda loogu soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xabsiyada,” ayay tiri Maryan Yaasiin.

Qaar ka mid ah dhalinyarada la soo celiyay oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn u muujiyay farxadda ay u qabaan inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan. Waxay uga mahadceliyeen Dowladda Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixisay sidii looga soo saari lahaa xabsiyada Libya, halkaas oo ay ka soo mareen xaalado nololeed oo adag, cabsi, jirdil iyo daryeel la’aan.