Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada New York si uu uga qayb galo furitaanka kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu gorfeeyn doono dagaalada ka socda Gaza, Ukraine, iyo Suudaan, arrimaha isbedelka cimilada, amniga caalamka, iyo dhibaatooyin sii kordhaya oo haysta hay’adda Qaramada Midoobay.
Kalfadhigan, ayaa ku beegan sanad guuradii 80-aad ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xilli ay hay’adda caalamku wajahdo caqabado waaweyn. Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa digniin u diray in Qaramada Midoobay wajahdo “halis jiritaan” maadaama ay la daalaa dhacayso miisaaniyad yaraanta, daal ay muujiyeen deeq-bixiyeyaasha, iyo su’aalo ku saabsan awooddeeda ay ku wajihi karto khilaafaadka caalamka.
Goynta miisaaniyadda oo lagu qiyaasay $500 milyan ayaa halis gelin karta hawlgallada nabad ilaalinta iyo shaqaalaha, iyadoo la filayo in tiradoodu yaraato ku dhawaad 20%.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hadli doona hadal kooban oo uu ku soo bandhigayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayso dadaallada nabad ilaalinta caalamka. Waxa uu sidoo kale dib u xaqiijin doonaa taageerada Soomaaliya ee dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, isagoo ku baaqi doona in si xooggan looga hortago musiibada bani’aadamnimo ee Gaza, halkaasoo in ka badan 63,000 qof lagu dilay tan iyo markii Israel weerarka bilowday 2023, faqriga nafaqo darraduna na u dishay boqolaal carruur ah.