Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codkeeda ku biirisay dalalka taageeray qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo baxay, kaas oo dib loogu soo celinayo cunaqabatayn horey uga saarnayd dowladda Iran.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay sagaal waddan oo u codeeyay in cunaqabataynta lagu soo rogo Tehran, taasoo muujinaysa in mowqifkeedu la jaanqaadayo xulafada reer Galbeedka – gaar ahaan Mareykanka – oo ku baaqay in Iran lagu cadaadiyo inay joojiso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer.
Go’aanka Golaha Ammaanka ayaa dhigaya in cunaqabatayntii laga qaaday Iran dib u dhaqangeli doonto 28-ka Sebtembar, haddii aysan Iran ka jawaabin baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la hakiyo taageerada ay siiso kooxaha hubeysan ee gobolka, sida Xisbullah, Xamaas, iyo fallaagada Yemen.
Inkastoo qaraarka ay kasoo horjeesteen afar dal oo ay ku jiraan quwadaha waaweyn sida Shiinaha iyo Ruushka, haddana Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka Afrikaanka ah ee si cad u taageeray in tallaabo dib loogu laabto, taas oo dhabar jab ku ah xiriirka dhow ee Iran la lahayd qaar ka mid ah dalalka Muslimka ah.
Dowladda Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin sababta uu u taageeray qaraarka, balse go’aankaasi ayaa loo fasiray mid ku saleysan xiriirka diblomaasiyadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidoo kale mowqifka dowladda ee la dagaallanka hubka sharci darrada ah iyo xagjirnimada.
Qaraarkan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn ballaaran ku yeesho siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, maadaama ay si cad u qaadatay mowqif lid ku ah Iran — dal muddo dheer xiriir diblomaasiyadeed iyo ganacsi la lahaa dowlado badan oo Muslim ah.