Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen eedeymo culus ugu jeediyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Qoraalkan ay soo saareen Xildhibaanada Golaha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku kacay ku takrifal awoodeed iyo jabinta shuruucdii dalka u taalay.
Waxa sidoo kale Xildhibaanadu tilmaameen in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iney isku kaashadeen wiiqista madaxbanaanida Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
“Hadaba Xildhibaanada ku mideysan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay bulshada Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta iyo beesha Caalamka la wadagaayan in Baarlamaankii Soomaaliyeed uu u xiran madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xildhibaanada ku mideysan Golaha Samatabixinta.
Warsaxafadeedka Xildhibaanadan ayaa lagu xusay in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka uu kusoo dhamaaday wax qabad la’aan, islamarkaana Kalfadhiga 7-aad uu haatan wali u xiran yahay bilaa sabab mudo hal bil ah.