Ra’yi ururin: 52% Israa’iiliyiintu kuma kalsoona Netanyahu, laakiin mucaaradka ayaa awood u leh inay dhisaan dawlad
Ra’yi ururin uu sameeyay wargeyska Maariv ayaa daaha ka qaaday in in ka badan kala badh dadka Israa’iiliyiintu (52%) aanay aaminsanayn Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu, marka la barbardhigo 44% oo kalsooni u muujiyay, taas oo ay ugu wacan tahay sii xoogaysanaya hawlgalka millatari ee Gaza, iyo khudbadii uu dhawaan jeediyay oo uu kaga digay go’doomin caalami ah.
Sida laga soo xigtay natiijada codbixinta, garabka midig ee Netanyahu ayaa ku dhici doona 49 kursi haddii ay dhacdo doorasho cusub, halka mucaaradka ay kor u qaadi doonaan 61 kursi, taas oo siinaysa awood ay ku soo dhistaan xukuumad iyaga oo aan ku tiirsanayn xisbiyada Carabta oo ku haray 10 kursi
Natiijadu waxay xaqiijisay in xisbiyada yaryar ee ku dhow xadka doorashada – sida Diimaha Sionism – ay go’aamin karaan dheelitirka awoodda doorasho kasta.
Codbixinta ayaa sidoo kale muujisay in xisbi cusub oo uu hogaaminayo Yoaz Hendel (Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta) uu si rasmi ah isu diiwaan gelin doono si uu uga qeyb galo doorashada soo socota. .
Taas bedelkeeda, xisbiga Naftali Bennett ayaa ku dhacay 20 kursi, halka xisbiga cusub ee Gadi Eisenkot ee Yashar uu haysto 9 kursi.
Sahankan ayaa la sameeyay 17kii iyo 18kii Sebtembar,waxana ay muujisay in 91% codbixiyayaasha isbahaysiga ay aaminsan yihiin Netanyahu,halka 85% codbixiyayaasha mucaaradka aanay ku kalsoonayn.
Ugu yaraan 61 kursi (oo ka mid ah 120-ka kursi ee Knesset) ayaa loo baahan yahay si loo dhiso dowlad.
Ma jiro wax doorasho ah oo ka dhacay Israa’iil, marka loo eego mucaaradka Netanyahu ee qabashada doorashada. Xasuuqa ay militariga Israa’iil ka geysanayaan Marinka Gaza—ilaa Oktoobar 7, 2023—oo taageero ka helaya Mareykanka, ayaa sii socda.
XIGASH ALJAZEERA ARABIC.
Waxaa tarjumay Wariye Yaxye Soofe