Xasan Sheekh: Dalka laguma imaan karo Baasaboor ajnabi ah oo aan fiiso la socon

3

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si adag uga hadlay nidaamka cusub ee dal-ku-galka, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan suurtagal noqon doonin in qof ku yimaado dalka isagoo sita baasaboorka ajnabi ah oo aan wadan fiiso.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka xukuumadda saddexdii sano ee la soo dhaafay, ayuu Madaxweynuhu sheegay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhanka dhijitaalka, isla markaana adeegyo badan oo dowladeed ay hadda u guureen online.

“Ma jiro waddan aad u tagi karto adigoo wata baasaboorka Soomaaliyeed adigoon visa wadan. Sidaas oo kale, qof wata baasaboorka ajnabiga—ha ahaado Soomaali ama qalaad—ma gali karo Soomaaliya adigoon wadan fiiso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in dadka wata baasaboorka Soomaaliga aysan u baahnayn visa si ay dalka u soo galaan, balse kuwa wata baasaboorka ajnabiga, iyagoo Soomaali ah ama qalaad ah, ay waajib ku tahay in ay helaan fiiso.

“Qof wata baasaboorka ajnabiga ah, ha ahaado Soomaali ama cadaan, waa isku mid. Ma jiraan baasaboor Soomaali ah oo laguu oggol yahay inaad aduunka meel ka gasho adigoon fiiso wadan. Sidaas darteed, laguma gali karo Soomaaliya adigoon visa wadan haddii aad wato baasaboorka ajnabiga ah,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii Dowladda Federaalka ay bilowday nidaamka E-Visa ee Soomaaliya 1-dii Sebtembar 2025, taasoo si sharci ah looga dhigay in qof kasta oo doonaya inuu yimaado dalka, uu marka hore online-ka uga codsado fiiso — taasoo khuseysa ajaanibta iyo Soomaalida wata baasabooro shisheeye.