Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay ciidamo u daadgureyneyso xuduudaha lagu muransan yahay, iyagoo sheegaya in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe dagaal oo lagula beegsanayo maamulkaas dhowaan la dhisay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay Somaliland ka wado aaggaas, iyadoo lagu tilmaamay in ay khatar weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Tallaabadan qorsheysan waxay khatar weyn ku tahay xasilloonida aan si adag u soo dhisnay, waxayna saameyn ballaaran ku yeelan kartaa guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxay sidoo kale codsi u direen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo saaxiibada caalamka, iyagoo ka codsaday in ay si degdeg ah u cambaareeyaan ficillada la tuhunsan yahay ee Somaliland.
Inkasta oo ay sheegeen in ay doorbidayaan wadahadal iyo xal nabadeed, maamulka Waqooyi Bari ayaa caddeeyay in ay diyaar u yihiin difaac kasta oo lagaga hortagayo weerar kasta oo lagu soo qaado.
Labada dhinac ayaa bilooyinkii u dambeeyay isku hayay muran dhuleed, waxaana marar badan dhacay dagaallo culus oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.