Ku Soo dhowaada dhageystayaal Barnaamijka Tartan Aqooneedka Dugsiyada Waxbarashada HIRDA Maalin kasta oo Khamiis ah aad ugu barateen inaad kala socotaan Radio Markabley 2;30 Duhurnimo ilaa 3;00 Galabnimo,Barnaamijkaasi oo Rogaal celis ah ayaa waxaad dhageysan doontaan isla fiidnimada Khamiista 8da fiidnimo ilaa 8.30 ka fiidnimo .
Tartan Aqooneedka Maanta oo khamiis ah 18-9-.2025, ka dhacay Iskuulka Hoose/Dhexe ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa uu u dhaxeeyey fasalada 7aad iyo 8aad ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jaalle Siyaad,natiijada ayaa waxay ku soo dhamaatey Fasalka 7aad oo helay 26dhibcood,halka Fasalka 8aad uu helay 28 dhibcood,sidaasina waxay guusha ku raacdey Ardeydii ku tartameysay Magaca Fasalka 8aad,
Hadaba ciddii uu seego BarnaamijkaasI waxay ka daalacan karaan Websitkeena Www.radiomarkabley.com iyo Bart aan ku leenahay Facebooga Radiomarkabley
HALKAN DHAGEYSO TARTAN AQOONEEDKA DUGSIYADA HIRDA