Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Alcarabiya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in lasoo afjaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Jubbaland, wuxuuna qiray in la xallin doono kahor doorashooyinka dhacaya 2026-ka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskaas uu horseed u noqon doono in doorasho hufan oo wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed intaba.
“Waxaan wada-hadal la wadnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaranka, Wadahadalka iyo xiriirka waan sii wadaynaa, Puntland way ka warqabtaa arrintaas.” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, ?Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda.
Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.
Nuuradiin ayaa maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan inoo xaqiijiyeen.
Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada. Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.
Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.