Madaxweyne Xasan Sheekh”Xiriirka Itoobiya iyo Masar midna kama hor imaanayo danaha Soomaaliya”

4

Madaxweynaha Soomaaliya, asan Sheekh Maxamuud, ayaa si qoto dheer uga hadlay mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD) iyo saameynta uu ku yeelan karo gobolka, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay ilaalinayso dheellitirka xiriirrada gobolka.

Wareysi uu si gaar ah ugu bixiyay Al Arabiya iyo Al Hadath, Madaxweynaha ayaa sheegay in biyo-xireenka Itoobiya uu yahay “mashruuc weyn oo saameyn ballaaran ku leh gobolka oo dhan”. Si kastaba, wuxuu carabka ku adkeeyay in xiriirka Muqdisho la leeyahay Addis Ababa “uusan saameyn ku yeelan doonin” wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar.

Xiriirka aan la leenahay Itoobiya kama hor imaanayo iskaashigeenna istiraatiijiga ah ee aan la leenahay Masar. Waxaan taageersanahay wadahadallada la xiriira arrinta biyo-xireenka, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto cid kasta oo walaac ka qabta biyo-xireenka iyo arrimaha biyaha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda wadahadallada saddex-geesoodka ah ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan si xal waara loogu helo arrinta wabiga Niilka.

Xasan Sheekh wuxuu iftiimiyay kaalinta Qaahira ee dhanka amniga, isagoo sheegay in Masar ay ka caawiso Soomaaliya tababaridda ciidamada iyo bixinta taageero saadka ah. Taasi ayuu ku tilmaamay calaamad muujinaysa xiriir dhow oo aan ku xiranayn khilaafaadka siyaasadeed ee biyo-xireenka.