Western Union waxay ku dhawaaqday in ay xawilaadaheeda lacagaha ee caalamiga ah gaarsiineyso Soomaaliya and Somaliland. Macaamiisha ku sugan labada deegaanba waxay hadda lacag u diri karaan qoyskooda iyo ehelkooda hal mar kuwaas oo ku sugan daafaha dunida ayaga oo isticmaalaya shabakadda caalamiga ah ee ballaaran ee Western Union, taasoo ku fidsan in ka badan 200 oo waddamo iyo deegaano isugu jira.
Tallaabadaan waxay Western Union ka dhigaysaa shirakddii ugu horeysay ee xawaaladeed oo bixisa adeegyada lacag ka dirista Soomaaliya iyo Somaliland oo baaxad intaas le’eg dhan – taasoo xoojinaysaa helitaanka lacagaha oo farabadanaya iyo isku xirnaanshaha xaduudaha.