Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in mashruucan uu u baahan doono qiyaastii 70 milyan oo doolar si loo dhammaystiro, hase yeeshee dowladda ayaa illaa hadda ku guulaysatay in ay hesho kaliya 30 milyan oo doolar.
Lacagtan oo ka timid gargaar dibadeed lama shaacin cidda deeqda bixisay, waxaana sidoo kale aan la faahfaahin halka ay ka timid.
Xamsa ayaa sheegay in inkastoo 30 milyan oo doolar horey loo helay, haddana dowladda ay weli ka maqan tahay 40 milyan oo doolar. Lacagtaan ka maqan ayaa dib u dhigtay horumarka mashruuc ay dowladdu u aragto mid mudnaan gaar ah leh.
Wuxuu sheegay in Dowladdu raadinayso maalgelin aan culays dayn ah saarin dowladda.
“Si aan lacag cusub u daabacno, waxaan u baahanahay todobaatan milyan oo doolar. Waxaan helnay soddon milyan oo gargaar ah, haddana waxaan weli ka maqan nahay afartan milyan, waxaana rabnaa inaan helno annagoo aan dayn qaadan. Wadahadallo wanaagsan ayaan la wadnaa dowladda Kuwait, waxaana rajeyneynaa inay na taageeri doonaan,” ayuu yiri Xamsa.
Wadahadallada lala wado Kuwait ayaa ah dadaalka ugu dhow ee dowladda ku dooneyso in ay ku buuxiso farqiga dhaqaale. Mas’uuliyiinta Soomaalidu waxay ku kalsoon yihiin in taageero dhaqaale oo ka timaada Kuwait ay suurta gelin karto in mashruuca la hormariyo iyadoo aan loo baahnayn daymo ama heshiisyo deyn cusub ah.