Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi.
Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka Islaamka iyo Carabta ay si buuxda u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan weerarrada Israa’iil iyo in la qaato go’aan mideysan oo jawaab adag ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeynayo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada iyo wadajirka.
Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu falanqeeyay weerarkii Israa’iil ay ka geysatay magaalada Dooxa iyo xaaladda guud ee dalalka Carabta, oo muddo dheer aan tallaabo mideysan ka qaadin xasuuqa ka socda Qasa.
Waxaa hadda si weyn loo sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay kasoo saari doonaan duqeyntii Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Qatar, gaar ahaan xubnihii Ururka Xamaas ee halkaasi ku sugnaa.