Puntland oo bilowday baaritaanka dilka nabadoon Cabdullaahi Cumar Cabdi

2
Puntland ayaa ku dhawaaqday inay bilowday baaritaan ku saabsan sababihii ka dambeeysay duqayntii shalay lagu dilay nabadoon Cabdullaahi Cumar Cabdi, kaasoo diyaarado aan la aqoonsan ay ku bartilmaameedsadeen gobolka Sanaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Sanaag ee Puntland, Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali, ayaa sheegay in hay’adaha dambi-baarista loo diray goobtii duqayntu ka dhacday, si ay u soo ururiyaan xog dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu dilay nabadoonka.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in baaritaan horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in nabadoonka si gaar ah loo beegsaday, isagoo xusay in qeyb kamid ah jirkiisa laga helay goobta duqaynta.

Sidoo kale, Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali wuxuu caddeeyay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo ay bulshada la wadaagi doonaan sababta dilka nabadoonka iyo cidda ka dambeysay falkan.

Wuxuu tilmaamay in nabadoon Cabdullaahi uu ka tirsanaa guddi ku howlanaa horumarinta gobolka Sanaag, kuwaas oo dhawaan kulan magaalada Boosaaso kula yeeshay madaxweynaha Puntland.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Sanaag inay is dajiyaan oo ay sugaan natiijada baaritaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Puntland si dhab ah uga go’an tahay in la helo xaqiiqda dhacdadan.