Wasaaradda Gaashandhiga oo faah faahin kasoo saartay khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Ceeldheer

6

Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ay saakay waaberigii hore si geesinimo leh uga hortegay weerar ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Weerarka si deg-deg ah looga jawaabay uuna sababay khasaare culus oo dhinaca kooxda Al shabaab ah, weaxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Al-Shabaab ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis dhowr ah, oo ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa falalka arxan darrada ah ee lagula kaco shacabka sida lagu sheegay warka wasaaradda kasoo baxay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa la raaciyay in Dagaalku uu socday muddo saacado ah, iyadoo ciidanku si xeeladaysan uga hortagay weerarkii cadawga, ayna ku guuleysteen inay fashiliyaan dhammaan isku daygii ay wadeen.

Waxaa la xaqiijiyay in 6 askari oo ka tirsan CXDS ay ku shahiideen dagaalka, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen. Dhaawacyadaas ayaa haatan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaad ee ciidanka sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo baacsasho iyo nadiifin ah, kuwaas oo ka socda deegaannada ku dhow Ceel-Dheer, si loo ciribtiro haraadiga firxadkii kooxda Al shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in guusha maanta la gaaray ay muujinayso kartida iyo diyaar-garowga Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, ee difaaca shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Qaranku waxay mar kale muujiyeen inaysan jirin meel Khawaarijta ku dhuuman karaan, Dhiiranaanta ay muujiyeen geesiyaasha maanta waa mid lagu xusuusan doono taariikhda,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada iyo hubeynta ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan dalka.