Dhaqtar da’yar oo aano qabiil loogu dilay magaaladda Gaalkacyo

6

Dilalka aanooyinka qabiilka ee kusoo laab-laabtay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa markale si xanuun badan usoo ifbaxay kadib markii habeenkii xalay halkaas lagu dilay Dr. Cumar Cabdi Daahir, oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee magaalada.

Goobjoogayaal iyo ilo amni ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan ay toogasho ku dileen dhakhtarka, kadibna ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan gaarin ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Ilaa hadda lama hayo war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka, balse baaritaanno ayaa socda si loo helo cidda ka dambeysay weerarka.

Dr. Cumar ayaa noqonaya dhakhtarkii labaad ee lagu dilo Gaalkacyo iyadoo lala xiriirinayo aanooyin qabiil oo ka dhashay dirirta horey uga dhacday deegaanka.

Tan iyo markii ay kordheen weerarrada noocan ah, ciidamada ammaanka ayaa wada dadaallo lagu xoojinayo wacyigelinta iyo dabagalka kooxaha ka dambeeya falalkaas.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo ay si wadajir ah u maamulaan Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, halkaas oo khilaafaadka iyo aanooyinka qabiilku ay si joogto ah uga dhashaan falal dilal ah oo loo geysto dadka rayidka ah, gaar ahaan kuwa bulshada muhiimka u ah.

Waxaa wali laga sugayaa warbixin rasmi ah oo faahfaahsan oo kasoo baxda laamaha ammaanka, iyadoo shacabka deegaanka ay ku jiraan cabsi iyo walaac sii kordhaya.