Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka hadlay kulammo gaar ah oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha qaar ee gobolka Geeska Afrika kadib markii shalay dowladiisa xariga ka jartay Biyo-xireenka webiga Niil oo mudo 11 sano ah la dhisayay.
Abiy Axmed ayaa sheegay inuu kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay inay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka.
“Sidoo kale waxaan saaka la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan ka wada hadalnay danaha guud ee gobolka. Waxaan mar kale xaqiijinnay sida ay nooga go’an tahay kobcinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan.”
Kulankan ayaa imanaya xilli ay jiraan isbeddello muuqda oo ka socda Geeska Afrika, iyadoo ay dalal badan oo gobolka ahi wajahayaan caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed. Dowladda Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahayd horumarka iyo deganaanshaha gobolka.
Waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Abiy uu kulammo kale la qaato hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah maalmaha soo socda.