Xamaas ayaa si adag u cambaareysay ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aadan burburinta tobanaan dhismo oo ku yaalla magaalada Qasa, oo uu ugu dambeeyay “Dhismaha Salaam” fiidnimadii Isniinta.
Dhaqdhaqaaqa ayaa ku tilmaamay tillaabada mid ka mid ah tusaalooyinka ugu foosha xun ee murugada iyo dambiyada loo geystay dadka rayidka ah ku dhawaad laba sano, iyadoo ay jirtay aamusnaan caalami ah oo werwer leh.
Dhaqdhaqaaqu wuxuu xusay in “aamusnaanta hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee ku aaddan xadgudubyadan soo noqnoqda ay si cad u muujinayso laba-wajiilaynta hadda hagta siyaasadooda, taasoo sabab u ah wada-shaqeynta Maraykanka,” iyadoo Xamaas ka digtaya in tallaabadan “ay khatar ku tahay burbur guud oo ku yimaada nidaamka qiyamka iyo mabda’a la filayo inuu hago kala dambeynta caalamiga ah.”
Netanyahu ayaa ugu baaqay Falastiiniyiinta ku sugan magaalada Qasa isniintii in ay si deg deg ah uga baxaan, iyadoo ciidamadu ay xoojiyeen howlgalladooda oo ay duqeymo ka wadaan gudaha iyo hareeraha magaalada ugu weyn ee ugu dadka badan Marinka.











