Somaliland oo doonaysa in ay qaadato lacag deeq ah oo ay Finland hore u siin jirtay dowladda Soomaaliya

6

Wafdi ka socda Golaha Wakiillada Somaliland oo ku sugan dalka Finland ayaa codsaday in Somaliland si toos ah loo siiyo lacagaha deeqaha ah ee Finland sannad walba siin jirtay Soomaaliya, kuwaas oo hadda la joojiyay kadib markii xurguf soo kala dhex gashay labada dowladood.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, isla markaana ay ku weheliyaan Xildhibaan Xuseen Aadan Cabdi, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, iyo Xildhibaan Xasan Axmed Cilmi, ayaa si cad u codsaday in lacagta gargaarka ah iyaga toos loo siiyo.

“Codsiyadayadii ayaanu u gudbinnay in si gaar ah naloo siiyo, iyada oo afartii sano ee u dambeeyay 54 milyan ay Finland siisay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, balse Somaliland ay soo gaadhay wax aad u yar. Imikana miiska ayaanu fadhiisanay, tixgelin ayay noo sameynayaan haddii Alle idmo,” ayuu yidhi Cali Xaamud oo u warramay BBC Somali.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Finland hadda aanay isku wanaagsanayn, isla markaana deeqihii Soomaaliya la siin jiray la joojiyay kadib markii Muqdisho diiday in ay qaabbisho qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Finland oo dowladda Finland rabtay inay dib u soo celiso.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xurgufaha labada dhinac aanay ku ekeyn arrintaas oo keliya, balse ay dowladda Soomaaliya musuqmaasuqday deeqihii, isla markaana aan lagu fulin mashaariicdii loogu talagalay, taasina sababtay in deeqihii laga jaro Soomaaliya.

“Waxaanu u sheegnay in annaga mashaariicdu ay wakhti ku bilaabmaan oo wakhti ku dhammaadaan. Lacagta cabasho badan ayay ka muujiyeen dowladda Finland, waxayna yidhaahdeen haddii Somaliland lagu maalgalin lahaa wax badan ayaa qabsoomi lahaa,” ayuu yidhi Cali Xaamud.

Finland ayaa warbixin ay muddo ka hor soo saartay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diiday inay kala shaqayso soo celinta qaar ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in iyagu aanay qaadan doonin wax qoxooti ah isla markaana aanay kala hadlin dowladda Finland arrintaas.

Waxa uu sheegay in ay marka hore u yimaadeen ballan ay la lahaayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland, balse sidoo kale ay kulamo la qaateen qayb ka mid ah xildhibaannada taageera qadiyadda Somaliland ee dalka Finland.