Putin oo diiday qorshaha Reer Galbeedka ee ammaanka Ukriane

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday soo-jeedimaha Reer Galbeedka ee ku saabsan in la geeyo “ciidan xaqiijinaya ammaanka” Ukraine maalinta xigta marka xabbad-joojin la gaaro, kadib shir ka dhacay magaalada Paris oo lagu doonayay in lagu dhameystiro qorshayaasha dammaanad-qaadka amniga.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in 26 ka mid ah xulafada Ukraine ay si rasmi ah uga go’an tahay inay ciidamadooda geeyaan “dhul, bad iyo cirba” si ay gacan uga geystaan ​​sugidda ammaanka xilliga uu dagaalka istaago.

Macron ma uusan shaacin magacyada dalalka ku lugta leh qorshahan.

Putin ayaa isku dayay inuu joojiyo dadaalkaas, isagoo digniin u diray in ciidamo kasta oo la geeyo Ukraine ay noqon doonaan “bartilmaameed sharci ah,” gaar ahaan haddii ay hadda muuqdaan, inkasta oo aan jirin qorshe deg-deg ah oo ciidan lagu dirayo.

Putin ayaa Jimcihii sheegay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro hogaamiyaha Ukraine “laakiin ma arko wax badan. Waayo? sababtoo ah waxay ku dhowdahay wax aan macquul aheyn in heshiis laga gaaro dhinaca Ukraine arrimaha muhiimka ah”.

Trump ayaa markaas kadib soo dhigay bartiisa bulshada in taasi “Waxay u muuqataa in aan luminay Hindiya iyo Ruushka, una gacan galnay Shiinaha madow ee ugu qotada dheer,” isagoo hoosta ka xariiqaya sawir muujinaya saddexda hoggaamiye ee dalalkaasi kulankoodii ka dhacay Tianjin Talaadadii.

Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa bogaadiyay “dadaalka wax ku oolka leh” ee Trump uu ku raadinayo xal, laakiin wuxuu weeraray “dadaalka guracan ee dalalka Yurub ee kicinaya sii socoshada dagaalka”.

Tan iyo shirkii Alaska, “Isbahaysiga Rabitaanka” oo ay hoggaaminayaan UK iyo Faransiiska ayaa si xooggan uga shaqeynayay sidii Kyiv loogu siin lahaa dammaanad-qaad amni haddii heshiis la gaaro. Tani waxay ku lug leedahay xoojinta ciidamada Ukraine iyo sidoo kale bixinta “ciidan xaqiijin amni” oo ilaalin doona fulinta heshiiska.

Macron waxa uu adkeeyay in ciidan kasta loo diri doono si ay uga hortagaan “gardarrada kasta oo cusub” aana la geyn doonin safka hore. Ciidanku “ma laha rabitaanka ama ujeeddada dagaal ee ka dhanka ah Ruushka”, ayuu yiri Marcon.