Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa ka hadlay xaaladda anshaxa iyo dhaqanka ee caasimadda Muqdisho, isagoo si adag uga digay dhaqan-xumooyin cusub oo uu sheegay in aysan horay uga jirin magaalada.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in dhaqamadaas xunxun ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo tilmaamay in laga yaabo in ay jiraan dowlado shisheeye oo si dadban uga dambeeya faafinta dhaqamadaas.
Sheekh Roobow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta, culimada, iyo hay’adaha dowladda, in ay iska kaashadaan badbaadinta akhlaaqda bulshada iyo ilaalinta qiyamka diinta Islaamka.
Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaradda Diinta ay qaadayso tallaabooyin wacyigelin ah oo lagu horjoogsanayo dhaqan-xumadaas, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro diinta, dhaqanka suuban iyo hannaanka suuban ee Soomaaliyeed