Madaxwaynaha Waqooyi Bari oo ka hadlay Xaaladda Amni ee Laascaanood

2
Iyadoo dhawaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ay ka dhaceen dhacdooyin amni darro iyo qalalaaso ay sababeen kooxo hubeysan, ayaa waxaa arrintan si adag uga hadlay madaxwaynaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Abdulqadir Firdhiye.
Dhacdooyinkan amni darro ayaa sababay cabsi xoogan iyo kala dambeyn darro gudaha magaalada, iyadoo la sheegay in ganacsade u dhashay dalka Jabuuti lagu xiray magaalada kadib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ciidan lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen fowdada magaalada ka dhacday.

Madaxwayne Firdhiye oo la hadlayay bulshada maamulka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda ugu hoggaansamaan nidaamka dowliga ah, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeynta si looga fogaado fawdo hor leh.

“Haddii aan la hogaansamin sharciga iyo nidaamka dowliga ah, dowladnimo suurtogal noqon mayso,” ayuu yiri madaxwayne Firdhiye.

Hadalka madaxwaynaha ayaa imaanaya iyadoo maamulka Waqooyi Bari uu dhawaan si rasmi ah ugu soo biiray maamulada kale ee dalka ka jira, doorashadiisa madaxnimo ay dhowaan dhacdayna ay ahayd mid ay bulshada deegaanka si weyn u taageertay.

Madaxwayne Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu ka go’an yahay sugidda amniga, la dagaalanka kooxaha qalalaasaha abuura, iyo hub ka dhigis buuxda oo laga sameeyo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka.