Ra’iisul Wasaaraha oo Dalka ku Soo Laabtay Kadib Safarro Shaqo oo uu Ku Tagay Shiinaha iyo Serbia

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safarro shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, isaga oo sidoo kale la kulmay madax ka tirsan dowladda Shiinaha.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo dhiirrigelinta maalgashiga Shiinaha ee fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.

Intii uu ku sugnaa dalka Serbia, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Belgrade, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Serbia, Mudane Duro Macut, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Safarradan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah.