Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo Heshiis Hordhac ah ka Gaaray Iskaashi ku Saabsan AI iyo Teknoolojiyadda Hawada Sare

7

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay horumariyaan qaab-dhismeed wada-jir ah oo lagu maareynayo isla markaana lagu horumarinayo sirdoonka macmalka (AI) iyo teknoolojiyadda hawada sare.

Heshiiska ayaa la gaaray intii lagu guda jiray shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta (Global Symposium for Regulators GSR-25), oo ka dhacay magaalada Riyadh.

\Wada-hadalladaan waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (NCA), iyo Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta, Hawada Sare iyo Teknoolojiyadda Sacuudiga (CST).

Ujeeddooyinka Iskaashigaan labada dowladood ayaa saldhig u ah isla wadaagista khibradaha iyo aqoonta ku saabsan maamulka teknoolojiyadda casriga ah, Iswaafajinta nidaamyada sharciyeed ee lagu hago AI iyo teknoolojiyadda hawada sare iyo Horumarinta kaabeyaasha iyo la-talinta la xiriirta maalgashiga teknoolojiyadeed.

Masuuliyiinta labada dal waxay sheegeen in iskaashigan uu noqon doono mid sal u dhiga kobaca mas’uuliyadda leh ee dhinacyada sirdoonka macmalka iyo hawada sare, taasoo albaab u fureysa wadashaqeyn dhanka dijitaalka ah oo dheeraad ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.