Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu Baaqay Inuu La Heshiiyo Jubaland iyo Puntland

3

Siyaasi Maxamed Xaadir Nuur, oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee si joogto ah uga faallooda arrimaha siyaasadda dalka, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Shabelle kaga hadlay khilaafka sii daba dheeraaday ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada Jubaland iyo Puntland.

Siyaasiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu nabad iyo wadahadal ku raadiyo xal u helidda khilaafka taagan, isagoo xusay in dagaal iyo qalalaase aysan wax xal ah keeni karin, balse ay kaliya sii hurinayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Maxamed Xaadir ayaa sidoo kale si adag uga digay in dowladda federaalku isku daydo inay maamul kale ka barbar dhisto Jubaland, arrintaas oo uu sheegay inay dhalin karto khalkhal amni iyo inay sii fogeyso khilaafka jira.

“Maamulka Jubaland iyo Puntland waxaa lagu xallin karaa oo keliya wadahadal iyo nabad, mana jirto cid dagaal ama cadaadis ku keeni karta wax ka beddel siyaasadeed,” ayuu yiri siyaasiga.

Hadalka Maxamed Xaadir Nuur ayaa imanaya xilli ay weli muuqato in dowladda dhexe ay ku guuldarreysatay inay si buuxda u xalliso khilaafka kala dhaxeeya Jubaland iyo Puntland, iyadoo arrintaasi saameyn ku yeelatay dadaallada dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.